Sunday, July 5, 2026
HomeWararDibaddaTaliyihii saldhigga degmada Bardaale oo lagu dilay dagaal ka dhacay degmadaasi.

Taliyihii saldhigga degmada Bardaale oo lagu dilay dagaal ka dhacay degmadaasi.

Taliyihii Saldhigga degmada Bardaale ee gobolka Baay iyo saraakiil kale ayaa ku geeriyooday dagaal xoogaan oo illaa haatan ka socda gudaha degmadaasi.

Dagaalkan oo saaka soo bilowday ayaa waxaa yy u dhaxeeyaa maleeshiyo beeleed deegaanka ah iyo ciidanka Koonfur-Galbeed, waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhawaac leh oo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Sida ay ilo deegaanka ah u xaqiijiyeen warbaahinta dagaalka ayaa qarxay kadib markii ay saaka magaalada soo weerareen ciidamo maleeshiyo beeleed ah.

Muddooyinkii dambe waxaa Bardaale ee gobolka baay ka taagnaa xiisad culus oo ka dhalatay dagaal beeleedyo kusoo laa laabtay gudaha degmadaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe