Home Warar Taliyihii Nabadsugida degmada Deeyniile oo qarax lagu dilay

Taliyihii Nabadsugida degmada Deeyniile oo qarax lagu dilay

22

Qarax  miinada nooca lagu Aaso ah ayaa waxaa Maanta lagu dilay Taliyaha Ciidanka Nabadsugida degmada Deeyniile Abdishakuur Raage (Abdi Yare ) xilli uu ku sugna duleedka degmadaasi Deeyniile.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Gaari nooca Soomalida u taqaano Cabdi Bilaha oo uu saarnaa Taliyaha uu qaraxa haleelay xilli ay Ciidamada Nabadugida howlgal amni xaqiijin ah ka wadeen degaanka Deegaanka Ceel Shaale ee kuyaala duleedka Degmada Dayniile.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Saddex kamid ah ilaaladiisa, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhaawacooda la keenay mid kamid ah Isbitaallada kuyaal Magaalada muqdisho.

Laamaha amniga degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin qaraxaasi, hayeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, iyaga oo sheegay inay ku dileen Taliyihii Nabdsugida degmada Deeyniile iyo 11 askari oo la socotay.

Alle ha u Naxariistee Taliyihii Ciidanka Nabadsugida degmada Deeyniile Abdishakuur Raage (Abdi Yare ) ayaa waxaa uu kamid ahaa mas’uuliyiintii shalay booqday waaxda Burdheere ee degmada Deeyniile, halkaas oo xiisad ka taagneyd xal laga gaaray.