Monday, June 22, 2026
HomeWararGudahaTaliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Maanta xilka la wareegay

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa saaka xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka ayaa sidoo kale xilalka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali.

Madaxweynaha JFS ayaa dhowaan magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka, iyadoo dhinaca kale uu dardar xoog leh ku socdo qorshaha dib u xoraynta dalka Wejigiisa labaad.

Si kastaba, dhawaan ayaa la filayaa inuu bilowdo sida la tilmaamay wejiga labaad ee howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab, waxaana inta uu xilka haayay Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ay ciidanka xoogga qabsadeen deegaano farabadan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe