Wednesday, April 22, 2026
HomeWararDibaddaTaliyaha Ciidanka XDS oo Aadan Yabaal u tegay u kuurgalista howlgallada ciidamada...

Taliyaha Ciidanka XDS oo Aadan Yabaal u tegay u kuurgalista howlgallada ciidamada DFS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ay wehliyaan saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda ayaa gaaray Degmada Aadan Yabaal Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Degmada Aadan Yabaal isaga oo kala hadlay dardargelinta howlgallada ay wadaan iyo xoojinta amniga Degmadaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa geeska kale sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada lana kulmi doonno saraakiisha & talisyada qaybahooda kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ah ‘AS’ kawada Gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud & Mudug oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe