Ugu yaraan 50 qof ayaa ku geeriyootay saxaha Niger kaddib markii uu ka halaabay Gaarigii ay la socdeen Tahriibayaashaan oo doonayay in ay gaaraan mid kamid ah Dalalka laga tahriibo si ay doomo uga raacaan una gaaraan qaaradda Yurub oo hamigoodu ahaa.
Mas’uuliyiin kala duwan oo u dhashay Dalka Niger ayaa ku warramay labo qof oo ka badbaaday dhacdadaan ay cagahooda maaleen iyaga oo lug ku tagay meel u jirta 50 Kiilo-mitir oo ay ka heleen biyo ay cabbaan sida hadalka loo dhigay.
Markii ay xogta dadkii ay kasoo tageen ay gudbiyeen kaddib waxaa la sameeyay gurmad balse intooda badan dadkaas waxaa loo tagay iyaga oo dhintay maadaama saacado ay haraadsanaayeen iyada oo ay u dheer tahay cunno la’aan.
Niger waa Dal ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika waxaana uu Soohdin la wadaagaa Dalal badan sida Liibiya & Aljeeriya oo muddooyinkii dambe ay ka tahriibayeen Dhallinyaro badan kuwaas oo qaarkood dhintay, halka qaar kale gaareen Yurub.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay halista ku horgudban Tahriibka Dadka Afrikaanka ah oo maalin weliba laga diiwaangeliyo dhacdooyin isugu jira dhimasho, dad la xiray, kuwo u gacan galay kooxaha magafayaasha loo yaqaan & kuwo kale oo dalkooda dib loogu celiyay.

