Thursday, February 13, 2025
HomeWararTababar u soo xirmay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Tababar u soo xirmay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Munaasabad lagu qabtay Xerrada Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose  ayaa waxaa tababar laguu soo xiray  cutubto ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska  Danab,

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guutto Odawaa Yuusuf Ragge ayaa ka qeyb-galay munaasabada tababarka loogu soo xiray ciidamadan.

Tababarkan oo gacan ay ka geysatay Dowladda Mareykanka  ayaa socday muddo dheer, waxaana bixinayey macalimiin ka tirsan kumaandooska Danab, iyaddoo  taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Odawaa uu salaan sharaf ka  qaatay ciidankaan sida gaarka ah loo tababaray.

Waxay soo bandhigeen ciidankaan dhoola-tus heerkiisu sareeyo, kaasi oo ay kamid ahaayeen habka cadawga loo beegsado, difaacu nafsiga, waxaana  sidoo kale ay soo bandhigeen dabrid iyo hababka kale ee dagaalka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeya Guutte  Odawaa Yuusuf Raage oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidankaan kumaandooska ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalada Ummadda Soomaaliyeed looga dulqaadayo cadawga argagixisada Al-shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe