Home Warar Taliban Oo Heshiis La Gaartay Dowladda Afghanistan

Taliban Oo Heshiis La Gaartay Dowladda Afghanistan

143

Wafuudda dhinacyada isku haya Afghanistan ayaa ku dhawaaqay Arbacadii inay ku heshiiyeen hannaanka wada-hadallooda nabadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka daba dheeraday ee dalkaas ka socda.

Dowladda Mareykanka oo garwadeen ka ah geeddi socdka nabadeed ee Afghanistan ayaa soo dhoweysay heshiiska kaas oo horumar ballaaran u ah wadaxaajoodyada nabadeed ee u dhexeeya kooxda Taliban iyo wakiillo ka socda dowladda Afghanistan

Howlsha ayaa waxaa ku jira in la dhameystiray faahfaahinta hor dhaca ah ee wadahalka, waxii hadda ka dambeeyana loo gudbayo in laga wadahadlo ajandaha ay labada dhinac isla meel dhigeen sida lagu sheegay war qoraal ah oo sida wajadir ah usoo saareen.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu hambalyeeyay kooxda Taliban iyo dowladda Afghnasitan dadaalkooda iyo ka go’naanshahooda inay helaan wax guud oo ay ku midoobaan.