Thursday, February 13, 2025
HomeWararSoomaaliya oo mar kale ka soo muuqan Wadamada ugu Amniga daran Aduunka

Soomaaliya oo mar kale ka soo muuqan Wadamada ugu Amniga daran Aduunka

Warbixintaan oo sannadle ah ayaa lagu qiimeeyaa waddamada ugu amniga badan iyo tobanka dalk ee ugu amni darrada badan caalamka,  sida ay baahiso Hey’adda Globol Law and Order Index ee falanqeysa Arrimaha Amniga caalamka iyo deganaanshihiisa.

Soomaaliya oo ku dhowaad 30 sannadood ku jirtay xaalado degnaasho la’aan ayaa hadda u muuqata mid uga xuub siibaneysa si tartiib-tartiib ah oo ay aamisan tahay hey’adda Globol Law and Order Index.

Liiska 10-ka dalka ee ugu Amni darrada  badan  waxaa safka hore ka galay waddamada kala ah.

  1. Sierra-Leone
  2. Botswana
  3. Dominican Republic
  4. Mexico
  5. South Africa
  6. Liberia
  7. Gabon
  8. South Sudan
  9. Afghanistan
  10. Venezuela

Waxayna hay’adda Global Law and Order Index, warbixinteeda ku saleysay sharciga iyo kala danbeynta dhibco isku dhafan oo ku saleysan kalsoonida dadka ay ku qabaan Booliska deegaanka,dareenkooda nabad galyada shaqsi ahaaneed iyo dhacdooyinka xatooyada iyo weerarka iyo soo qabashada tuugada,Heerka sare ee dhibcaha, ayaa ka sarreeya saamiga dadweynaha oo sheegaya in ay dareemayaan ammaan. Natiijada Index ee caalamka ee 2017 waxay ahayd 81 ka mid ah 100 suurtagal ah. Siddeedan iyo lix dal, oo ay ku jiraan Venezuela iyo Afgaanistaan, ayaa dhibcaha ugu hooseeya celcelis ahaan keenay.

Warbixinta ayaa diiradda saartay dalka Venezuela oo kalinta koowaad ka galay waddamada ugu amni darrada badan caalamka, tan oo tusaale cad u ah in Soomaaliya ay horey u qaadday  tallaabooyin amni iyo mid dhaqaale oo ay hey’adaha cilmibaarits iyo dabagalka caalamka si weyn u hadal hayaan.Warbixinta ayaa qireysa in dalalka 10-ka ah  cel-celis ahaan maalintiiba ay ka dhacaan dilal loo fuliyey si argagax leh iyo weerarro geysta khasaare dhisamasho oo baaxad leh.

Soomaaliya ayaa ku dedaaleysa in ay cagaha u dhigto amnigeeda, xilli ay socdaan dhismaha iyo dib u habbeynta hey’adaha iyo ciidammada amniga, waa mid ka mid ah fursadaha tusaalaha u ah dowladda Federaalka Soomaaliya in laga saaro Liiska dalalka degnaansho la’aanta amni uu ka jiro, sida ku cad warbixinta hey’adda Globol Law and Order Index.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe