Home Warar Soomaaliya oo ku guuldaraysatay isku daygii ahaa in Kenya lagu canaanto shirkii...

Soomaaliya oo ku guuldaraysatay isku daygii ahaa in Kenya lagu canaanto shirkii IGAD!

191

Isku daygii Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee ahaa in Kenya lagu canaanto shirkii urur goboleedka, IGAD, ayaa burburay ka dib markii hoggaamiyeyaasha shirku si weyn isugu khilaafeen goynta xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Taa bedelkeeda, madaxda Urur goboleedyada iyo dowladaha ku shiray magaalada Jabuuti maalintii Axada waxa ay weydiisteen madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya in ay diirada saaraan jadwalka doorashooyinka iyo sidoo kale barnaamijyada dib u heshiisiinta iyo amniga dalka badalkii ay xiriirka u jaro leheed dowladda Kenya.

Soomaaliya ayaa dalbatay in koox madaxbanaan oo ka socota Igad loo diro xadka ay wadaagaan labada dal, halkaas oo ay Dowladdu rumaysantahay in Kenya ay gacan siiso maleeshiyada ka amar qaata Cabdirashiid Janan oo dowladda baxsad ka ah, eedeymahaasna Nairobi waa beenisay waxaana la isla gartay in guddi loo saaro.

Shirweynihii 38aad ee aan caadiga ahayn ee Igad ayaa loogu tala galay in looga hadlo caqabadaha amni ee gobolka, xaalada bini’aadanimo ee Tigray iyo sidoo kale cudurada sii kordhaya ee Covid-19 ee gobolka, oo ilaa iyo hada gaaray 290,000 iyadoo in kabadan 5300 ay u dhinteen.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo warqad u qortay Gudoomiyaha Igad, raiisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok, ayaa ku dalbatay in Kenya faragalin ku hayso arimaha gudaha ayna muhiim tahay in ay kala baxdo.

“Madaxda IGAD waxa ay aad cadaadis ugu saareen Soomaaliya in arrinta Kenya uu noqdo mid lagu xalliyo IGAD dhexdeeda, oo uu noqdo mid laga gaaro wada hadal iyo is afgarad, oo halkaas arrimaheena ku xallino, tallaabada ugu horeysa ay tahay in xaalada la dejiyo iyo xiisadda, Soomaaliya taas waa ogolaatay, laakiin waxaa ku xirnay shuruud ah in loo saaro guddi arrimaha ay Soomaaliya ka ashtakooneysay”ayuu yiri Wasiirka.,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo shalay warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

“Soomaaliya waa ay ogolaatay taas, laakiin waxaan ku xiranahay shuruud ah in la magacaabo koox wax ka qabata arrimaha ay Soomaaliya ka cabanayso,” ayuu ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Meel ka soo qaad  la’aan

War-murtiyeedka rasmiga ah ee shirkii IGAD la soo saaray subaxnimadii Isniinta laguma soo darin khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, xitaa in ay dajiyaan xiisada u dhexaysa lagu sheegin warmurtiyeedka, taas badalkeeda waxa ay uga hadleen jadwalka siyaasadeed ee u gaarka ah Soomaaliya iyo barnaamijyada dib-uheshiisiinta siyaasadeed iyo wadahadala dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo DG.

Dowladda ayaa lagu waydiistay in doorashadu noqoto mid ay heshiis ku wada yihiin dhamaan dhinacyada Siyaasadda iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17 dhexmaray Dowladda Federaalka iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

“Anagoo tixgelinayna muhiimadda ay leedahay hirgelinta Heshiiska, [Goluhu] wuxuu ugu yeeray Dowladda Federaalka, Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo daneeyayaasha kale in ay ku xalliyaan khilaafaadka maareynta doorashooyinka iyada oo loo marayo kalsooni iyo is-afgarad dhisid hab lagu ixtiraamo ruuxda geeddi-socodka shirkii Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Iyo Heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 ee ku saabsan qaabka doorashada ee dib loo eegay iyo sidoo kale borotokoolka hirgelinta, si ay u dhacdo doorasho waqtigeeda ku habboon oo ay aqbalaan dadka Soomaaliyeed.”

Midnimada dhuleed.

Waxa ay ku heshiiyeen in dal walba madaxbanaanidiisa dhul ahaaneed ay muhiim tahay laakiin waxa ay ku kala aragti duwanaadeen go’aanka loogu yeeray gardarrada ee uu ku go’ay xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, taas bedelkeedna waxa ay ku booriyeen dhinacyada in ay dib u soo celiyaan xiriirkii ka dhexeeyay.

Waxa ay ka digeen wada shaqeyn la’aanta ka dhaxeysa labada hogaamiye Farmaajo iyo Kenyatta in ay ku dhiiri gelin karto al-Shabaab in ay dardargaliyaan weeraradooda sida ay sheegeen ilo ku dhaw kulanka IGAD.

Bilowgii kal-fadhiga rasmiga ah, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat wuxuu ka digay cadaawadda labada dal u dhexeysa oo khatar gelinaysa amniga gobolka.

“Waxaan ku qanacsanahay in isku xirnaanta muddada dheer iyo la adkeeyo … ayna ka gudbi karaan caqabadaha jira”.

Taa baddalkeeda, Mr Mahamat wuxuu yiri Soomaaliya iyo Kenya waa in ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal, sidaas darteedna aan hubinno iskaashiga gobolka ee ka dhanka ah al-Shabaab iyo caqabadaha kale inaan kara.

“Kenya, waa in la ogaadaa, in ay tahay waddan ciidan ku biiriyay AMISOM, waxayna marti galisay qaxooti badan oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri Faki isagoo ula jeeda ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay qay ka yihiin ciidamo Kenyaan ah.

IGAD waxa ay kulmisaa wadamada Bariga Afrika ee Ethiopia, Sudan, Djibouti, Kenya, Somalia, South Sudan iyo Uganda.

Madaxdu waxa ay sidoo kale ku dhiirrigeliyeen madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya in ay sii wadaan wadahadallada ay la leeyiyiin Somaliland

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed C / risaaq wuxuu u sheegay warbaahinta maxaliga ah in la xali doono Khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.