Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Shaybaarkaan lagu ogaanayo tayada qalabka loo adeegsanayo Dhismaha.
“Shaybaarkaan waxa uu ka kooban yahay qaybo badan oo lagu baarayo gaar ahaan 11-nuuc oo ah qalabka iyo waxlaha dhismaha sida Carrada, Laamiga, Shamiintada Tayadeeda, Shubka, Biyaha in ay cusbo leeyihiin iyo in kale, Jaayga Xooggiisa & qalabka kale ee loo adeegsado tayada” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Ujeedka loo keenay dalka Shaybaarkaan waxa uu ku tilmaamay sidii loo heli lahaa dhismo waqti dheer sii shaqeyn kara (Cimrin kara) si loogu nacfi wanaagsan uu ugu noqdo dadka dhaqaalaha badan ku bixiya dhismaha.
Muqdisho degmooyinka qaar waxaa ku yaalla Guryo sanado badan dhisan, waxaana sababta lagu sheegay qalabka loo adeegsaday dhismahooda, maadaama ay waqti dheer ay deegaan u yihiin qoysaska kunool.