Tuesday, May 5, 2026
HomeWararSoomaaliya oo 5% canshuur ka fulisa lacagaha dijitaalka ah taasoo dhalisay walaac...

Soomaaliya oo 5% canshuur ka fulisa lacagaha dijitaalka ah taasoo dhalisay walaac shacabka.

Canshuurta cusub ee ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay dhammaan wax kala iibsiga elektaroonigga ah ayaa walaac iyo hadal heyn badan ka dhex dhaliyay shacabka iyo mas’uuliyiinta. Canshuurtan oo markii hore la soo saaray 1984-kii balse aan waligeed la dhaqangelin arrimo farsamo awgeed ayaa hadda si buuxda u shaqeysa iyadoo ay ugu wacan tahay horumarradii dhawaan la sameeyay.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige waxa uu sharraxay in xukuumaddu hirgelisay nidaam casri ah oo si hufan loogu daba-galayom laguna qiimaynayo cashuurahaa . Qiimaha cashuuraha ayaa lagu sheegay 5%, taasoo uu Cige ku andacoonayo inay ka hoosayso wadamo badan oo jaarka ah si loo dhiirigeliyo u hogaansanaanta cashuuraha ee dadweynaha Dawladdu waxay ku amartay shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa kale ee bixiya adeegyada dhijitaalka ah inay la shaqeeyaan saraakiisha canshuuraha si loo fududeeyo aruurinta.

Xalalka lacag-bixinta dhijitaalka ah ayaa caan ka noqday Soomaaliya iyadoo ay ugu wacan tahay ku habboonaantooda iyo la’aanta kaabayaasha bangiyada caadiga ah. Adeegyada lacagta mobilada, sida Hormuud EVC Plus-ka iyo ZAAD-ka Telesom, ayaa suuqa ugu badan, iyadoo in ka badan 70% dadka waaweyni ay isticmaalaan adeegyadan. Nidaamka cusub ee canshuurtu wuxuu saameeyaa wax kala iibsiga lagu sameeyo xawaaladaha mobilada, jeebka elektaroonigga ah, iyo lacagaha kale ee elegtarooniga ah ee dadweynaha iyo ganacsiyadaba.

Dawladdu waxay ku amartay shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa kale ee bixiya adeegyada dhijitaalka ah inay la shaqeeyaan saraakiisha canshuuraha si loo fududeeyo habka aruurinta.

Cabdifitaax Daahir Haaruun oo ah bare dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Horseed ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay faa’iidada iyo khasaaraha ka dhalan kara canshuurtan.

“Dowladdu waxay u isticmaali kartaa dakhliga cusub si ay u maalgeliso kaabayaasha dhaqaalaha, kordhinta dakhliga guud iyo yaraynta ku tiirsanaanta gargaarka dibadda,” Haaruun ayaa sharaxay. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sidoo kale qiray saameynta xun ee ka iman karta dadweynaha.

“Kharashka dadku wuu kordhi doonaa maadaama canshuurtu ay khuseyso xadiga ugu dambeeya ee wax kala iibsiga, taasoo keeni karta hoos u dhac ku yimaada isticmaalka adeegyadan elegtarooniga ah,” ayuu raaciyay. Isbeddelku wuxuu keeni karaa inuu ku soo noqdo macaamil ganacsi oo caddaan ah, oo beddelaya kobaca dhowaan ee lacag-bixinnada dhijitaalka ah. Tallaabadan oo kale waxay wax u dhimi kartaa guulihii laga gaaray ka mid noqoshada maaliyadeed iyo hufnaanta dhaqaale ee ay fududeeyeen adeegyada lacagaha mobilada ee baahsan iyo bangiyada dhijitaalka ah.
Cashuurtii la bilaabay waxay keentay jahawareer iyo dhaleecayn. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa baarlamaanka horgeeyay walaac ku saabsan waxyaabaha gaarka ah ee canshuurta, gaar ahaan sida ay u khuseyso wax kala iibsashada badeecadaha sida waxbarashada iyo caafimaadka. Waxa uu su’aalay, “Hadii aan hal dollar u diro qof, ma waxaa la iga qaadayaa canshuur?, ma waxaa loo kala saari doonaa wax iibsi, maxay ka dhigan tahay canshuurtaan ficil ahaan?

Waxa kale oo jira hubanti la’aan ku saabsan sida cashuurtu u khusayso wax kala beddelashada badeecadaha, sida waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka. “Miyaan canshuureynaa lacagaha dijitaalka ah ee isbitaalada iyo dugsiyada?” Jeesow oo hadalkiisa sii wata.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe