Sunday, May 3, 2026
HomeWararGudahaDabley hubeysan oo weerar ku qaaday Bas marayey bariga dalka Itoobiya ...

Dabley hubeysan oo weerar ku qaaday Bas marayey bariga dalka Itoobiya halkaasoo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad Soomaali ah oo la socday.

Labo qof oo Soomaali ah ayaa la dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay kaddib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen bas marayay magaalada Awash ee ismaamulka Canfarta ee bariga dalka Itoobiya.

Baska ayaa waxaa la socday rakaab ay ku jiraan 7 qof oo Soomaali ah oo ka soo jeeda Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxayna ku sii jeedeen magaalada Addis Ababa markii uu weerarku dhacay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Labada nin ee la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Khadar Cilmi Cige iyo Mawliid Maxamed Cabdi iyadoo dhowr kale oo ay ku jiraan Ismaaciil Muxamed Muusa Sayid Muxamed Muuse iyo Cali Xuseen Jaamac la dhaawacay Qaar ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa dad caan ka ah ganacsiga deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Saraakiisha deegaanka ayaa ku eedeeyay kooxo hubaysan oo ka soo jeeda gobolka Canfarta in ay ka dambeeyeen dilka shacabka Soomaaliyeed, inkastoo aan si madax banaan loo xaqiijin sheegashadaasi.

Dadka Soomaalida ah ee ka safraya Jigjiga kuna sii jeeda Addis Ababa ayaa lagula talinayaa in ay isticmaalaan hawada, iyadoo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay sii kordhayaan iska hor imaadyada xadka ee u dhaxeeya Canfarta iyo Soomaalida Itoobiya, iyadoo aysan jirin wax wada hadal ah oo lagu xalinayo colaadda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe