Home Barnaamijyo Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada dal

379

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Amb; Axmed Ciise Cawed iyo Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar, ayaa ka wada hadlay habka loo xoojin karo wada shaqaynta Labada Dal.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu Lafa guray sidii Dowladda Turkiga ay usii Laba jibbaari lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray kulanka ayaa labada dhinac waxay is dhaafsadeen arrimo dan u ah Labada dal, waxayna sidoo kale isla soo qaadeen sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Labada Waddan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Walaaltinimo ee wax wada qabsi.