Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Risaala u xaqiijiyay in ciidamada Milatariga ee sidda gaarka ah u tababaran lagu wareejiyay Xerada Ciidanka Jeneral Gordan ee Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Soomaalida.
Arrintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii shalay Iska hor imaad uu ka dhacay Xerada Ciidamada Imaaraadka, iyadoo taliska ciidanka Militariga Soomaaliya ay sheegeen in iska hor imaadkaasi ay ka dambeeyeen askar rabtay inay qaataan saanad Militari.
Xalay fiidkii ayaa lagu wareejiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee loo yaqaano Danab Xerada ciidanka Imaaraadka ee Degmada Hodan, waxaana halkaasi lagu arkaayay gaadiidka gaashaaman ee ciidankaan ay wataan.