Tuesday, May 26, 2026
HomeWararSoomaaliya & Itoobiya oo ka wada hadlay Amniga & dhaqaalaha

Soomaaliya & Itoobiya oo ka wada hadlay Amniga & dhaqaalaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya u jooga Soomaaliya, Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan, iyaga oo ka wada hadlay adkaynta iskaashiga ka dhexeeya Labada Dal ee ddhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.
Safiirka ayaa la wadaagay Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali hambalyo iyo salaan ku aaddan xilkan qaran ee loo magacaabay oo uu uga siday dhiggiisa dowladda Itoobiya.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kulankooda waxaa kale oo ay kaga wada hadleen waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM iyo iskaashiga labada dal ee arrimaha geeska iyo qaaradda ba.
Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay kamid tahay dalalkasaaziibada dhow la ah Soomaaliya xilligaan, waxaana dalka ka jooga Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM, kuwaas oo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe