Home Warar Somaliland oo xabsiga dhigtay haweeney u hanjabtay israa’il

Somaliland oo xabsiga dhigtay haweeney u hanjabtay israa’il

92

Ciidamada booliska Somaliland ayaa isniintii toddobaadkan xabsiga u taxaabey Nasiima Maxamed Nuur, oo shir jaraaid oo ay Hargeysa ku qabatay ugu hanjabtay dawladdaha Israa’iil iyo Mareykanka.

Shirka jaraa’id ee ay qabatay haweenaydani waxba kaga aanay sheegin Somaliland, marka laga soo tago salaan ay u dirtay madaxweynaha iyo xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda degmada Axmed-Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Shirkeeda jaraa’id waxay intiisa badan kaga hadashay xiisadda ka dhex aloosan Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo taageero u muujisay jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan.

KHAALID FOODHAADHI