Wednesday, May 27, 2026
HomeWararSomaliland oo burburisay Guryo ay deganaayeen dad rayid ah

Somaliland oo burburisay Guryo ay deganaayeen dad rayid ah

Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera Somaliland ayaa saaka Cagaf Cagaf gelisay qeybo ka mid ah Guryo ay deganaayeen dad rayid ah Xaafadda Xero-aboo ee Magaalada Berbera.

Qof kamid ah dadka Magaalada Berbera ayaa sheegay in Saaka Salaadii hore ay Dawladda Hoose bilowday duminta guryaha xaafadda xero-aboo iyada oo la arkayey dumar iyo Carruur waran laamiga dhiniciisa oo ah dadkii guryahooda la dumiyey

Dadka guryoodi la dumiyey ayaa la sheegay in saaka cagafta uun la galiyey guryahooda oo haatan ay ku mashquulsan yihiin sidii ay Carruurtooda halkaasi uga saari lahayeen.

Xoghayaha dowladda Hoose ee Magaalada Berbera oo goobjoog ka ahaa howlgalka burburinta ayaa sheegay in uu dib ka faah fahain doono sababaha keenay in la burburiyo Guryaha ay deganaayeen dadka rayidka ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe