Friday, March 29, 2024
HomeWararSomaliland: Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil Gaari

Somaliland: Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil Gaari

Shilka gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Sheekh oo ka tirsan gobolka ay Soomaaliland u taqano Saaxil.

Shilka ayaa yimid, kaddib markii uu rogmaday Gaari Bas ah oo ay leedahay shirkadda Basaska Safar-same, waxaana ku geeriyooday laba Ruux halka 9 kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada wadooyinka ee taraafikada iyo dadka degmada Sheekh ayaa tegay halka uu Shilka gaari ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka labada Ruux & dadka dhaawacmay, iyaga oo geeyay Isbitaalka degmada Sheekh & Isbitaalka Magaalada Burco.

Shilalka gaari ee ka dhasha khasaaraha dhimaso iyo midka dhaawac ayaa maalmihii la soo dhaafay kusoo batay degaannada Soomaaliland iyo Puntland, waxaana loo sababeeyay wadooyinka qaarkood oo roobkii da’ay ku burburay.

Habeen ka hor ayay aheyd markii Shil gaari oo uu ku geeriyooday nin lagu magacaabi jiray Jimcaale Daahir Cusmaan uu ka dhacay  Tuulada Libaaxo ee Gobolka Nugaal, oo qiyaastii 86 KM dhanka bari kaga beegan caasimadda Puntland ee Garoowe.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe