Qaraxaan oo ahaa miinaca nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla wadada u dhaxeysa Isgoyska Fagax & xaafada Jambuuriya lagule eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan AMISOM.
Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la sheegay inay sahay ama raashin u wadeen Ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM oo ku sugan degmada Hurwaa ee Gobolka banaadir, waxaana qaraxa kadib ay ciidamada fureen rasaas farabadan.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in rasaastii ay fureen Ciidamada AMISOM & kuwo dowladda ka tirsan oo goobta tegay ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo shacab ah kuwaas oo ka koobnaa Aabe, Xaaskiisa , Gabaryar oo uu dhalay iyo Wiil farmashiye ku leh halka uu qaraxa ka dhacay.
Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kaddib muddo saacado ah oo wadada u xirneyd ay iska sii wateen socdaalkooda, waxaana weli la xaqiijin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray qaraxa.
Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa marin u aheyd wadada jaayga ah ee agmarta Masjidka Turkiga EE ee Xaafada Jamhuuriya maadaama Biyo farabadan xireen wadada laamiga ah ee marta Isgoyska Fagax.