Waxaa Muuqata inuu fashilmay shirkii Wadatashiga ee shantii maalmood ee la soo dhaafay uga socday magaalada Garowe Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada, isla markaana wax heshiis ah aan laga gaarin arrimo dhawr ah oo la isku haystay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe ayaa Xilli hore oo saaka ah ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, halkaasi oo ay diyaarad u taagnayd tan iyo shalay galab.
Sidoo kale dhiggiisa Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna lagu soo waramayaa in Safar dhulka ah uu oga baxayo Garoowe.
Arrimaha la isku mari la’yahay ayaa waxaa ka mid ahaa Mudadi xil heynta ee Madaxweyne Xaaf iyo sidoo kale arrimo ay ka mid yihiin sharciga batroolka.
Maamulka Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeynaya faragelin uu sheegay in ay ku hayso doorashada maamulkaasi, waxana tusaale uu u soo qaatay dhacdo dhawaan ka dhacay garoonka magaalada Kismaayo.
Ilaa iyo haatan dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymahaasi iyo in shirkaasi uu fashilmay balse madaxweynaha Puntland ee martida loo yahay ayaa maanta la filayaa in uu ka hadlo sida ay wax u dheceen iyo halka uu xaal marayo.