Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa ka furmay Shirka Wada-tashiga Dawladda Soomaaliya iyo Dawladdaha Xubanaha ka ah,kaas oo diyaar garoowgiisa uu maalmahaan ka socday Magalada Garoowe.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sirasmi ah u furay shirka,waxaana ku sugan Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyo Madaxda Maamul goboleedyada sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland, Hir-Shabeelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir.
Shirkaan oo uu martigelinayo Maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yihiin xalinta khilaafka dowladda iyo dowlad Goboleedyada,arrimaha Siyaasada , Amniga, Dastuurka iyo Cadaaladda.
Shirkan oo ahaa kii ugu xasaasinaa oo ay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ayaa la filayaa in geba-gabadiisa laga soo saaro War-murtiyed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen