Thursday, April 18, 2024
HomeWararShirka Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmaya Muqdisho iyo faah faahino laga...

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmaya Muqdisho iyo faah faahino laga helayo

Waxaa lagu wadaa in Maalmaha soo socda uu Magaalada muqdisho ka furmo shirka Golaha wadatashiga Qaran oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre, kxuigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, Madaxda dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkaan kii ka horreeyay oo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga hadlayaa waxyaabihii ka dhaqan galay shirarkii hore, amniga si gaar ah billaabida wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale arrimaha deyn cafinta.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ayaa shaki la gelinayaa ka qeyb galka shirka, iyada oo ay xusid mudan tahay in shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Baydabo uu diiday in uu ka qeyb galo.

Magaalada muqdisho waxaa hadda ku sugan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, balse kaliya uu ka maqan yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana warar goor hore soo baxayay ay sheegayeen in Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-Shabeelle loo xil saaray qancinta Madaxweynaha Puntland, balse ay ku guuldareysteen.

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo uu guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale inta uu socdo Madaxdu waxaa ay yeelan doonaan shirar doceedyo, waxaana weli la ogeyn sida laga yeeli doono Madaxweynaha Puntland oo siweyn uga soo horjeeda siyaasadda Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe