Waxaa Maalintii 2-aad ka socada Magaalada Dhuusa-mareeb Ee Caasiamada Shirka Madaxada Maamul Goboleedyada oo shalay ka furmay Xarunta Gobolka.
Galinka Danbe ee Maanta ayaa Lagu wadaa in shirkaan la soo gaban gabeeyo lagana soo saaro war-murtiyeed ay u dhanyihiin Madaxda ku kulansan Caasimada Galmudug.
kulamo ilaa iyo xalay gooni gooni ay u lahaayeen Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa la sheegay in intooda badan ay uga hadleen arimo ay ugu waaweynaayeen Doorashooyinka iyo Matalaada Gobolka Banaadir.
Si kastaba waxaa la wada sugayaa qodobada ka soo bixi doona Shirka maanta lagu wado in lagu soo gaban-gabeeyo Caasimada Galmudug.