Friday, April 24, 2026
HomeWararGudahaShir ku saabsan amniga iyo xasilloonida oo ka socda Muqdisho

Shir ku saabsan amniga iyo xasilloonida oo ka socda Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay Qorshaha Istaraatiijiyadda Wasaaradda Amniga ee shanta sano ee soo socota ee ku aaddan amniga iyo xasilloonida dalka.

Qorshahan muhiimka ah oo u taagan in la xoojiyo awoodda hey’addaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadda loona abuuro jawi xasilloon ayaa u oggolaanaya shacabka Soomaaliyeed inay si nabad ah ugu noolaadaan, ugana qeyb-qaataan horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sidoo kale ku booriyey wasaaradda amniga iyo hey’addaha kale ee ku shaqada leh inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta qorshahan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ay dowladda Federaalku la leedahay maamul-goboleedyada, hey’addaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo guusha qorshahan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe