Wednesday, April 29, 2026
HomeWararShir Horudhac ah oo ka furmay Xerada Afisiyooni

Shir Horudhac ah oo ka furmay Xerada Afisiyooni

Madaxweynaha  muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Labada Madaxweyne ee Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan shirkaasi goobjoog ka aheyn, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan inay diideen ka qeyb-galka shirka sababo la xiriira in ajandaha shirka aan la isku raacsaneyn iyo qaabka agaasinka shirka aanu aheyn sidii balantu aheyd.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe