Friday, December 5, 2025
HomeWararSawirro:-Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Yurub Oo Kala Saxiixday a��100 Milyan Oo Lagu...

Sawirro:-Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Yurub Oo Kala Saxiixday a��100 Milyan Oo Lagu Kabayo Miisaaniyadda Dawladda

Xukuumaadda federaalka Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay a��100 (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga YurubA� si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda.

Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska raa��iisul wasaaraha uuna goob joog ka ahaa raa��iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay bangiga dhexe ee dalka ku shubaanA� lacag a��100.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, ayaa si wadajir ah ugu saxiixay heshiiska.

Raa��iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo haya��adaha lacagaha adduunka.

a�?Maanta waa maalin wayn, munaasabaddaan waxa ay ka tarjumaysaa soo laabashada aaminaada u dhexsaysa dawladda iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, aaminaadda iyo kalsooniada ay shacabka Soomaaliyeed dawladoodda ku qabaan iyo aaminaadda bulshada caalamku ay ku qabto haya��adaha dalwladdaa�?, ayuu yiri raa��iisul wasaare Xasan Cali khayre.

Midowga Yurub oo goa��aan ku gaaray in dawladda si toos ah loo taageero sababo la xariira in ay latimid hufnaan iyo dib-u-habayn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhawaan ansixiyay bixinta a��100 (Boqol Milyan oo Yuuro) oo u dhiganta $120 (Boqol iyo Labaatan Milyan oo doolar) taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda dawladda.

Beesha caalamka, bankiga adduunka iyo haya��adda lacagta adduunka ayaa garaawsaday in Soomaaliya ay lasoo baxday isbedel wanaagsan oo ay kasoo gudubtay xilligii dhaqaalaha loo soo marsiin jiray cagmo kale.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe