Friday, April 25, 2025
HomeWararSawirro:- Xildhibaan C/Rashiid Xidig Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyey Kismaayo

Sawirro:- Xildhibaan C/Rashiid Xidig Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyey Kismaayo

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubbaland ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlad-goboleedkada Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Cabdirashiid Xiddig kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Xildhibaan Xiddig ayaa hadal kooban oo uu kaga hadlay ujeedka safarkiisa Kismaayo, wuxuu kusoo sheegay in uu soo booqday deegaankii laga soo doortay iyo dadkii uu ku metelaayey Baarlamaanka.

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in muddada uu joogo uu kulamo la qaadan doono bulshada iyo madaxda Jubbaland.

Mar uu soo hadal qaaday khilaafka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ayuu rajo wanaagsan ka muujiyey xal u helidda khilaafkaas, wuxuuna carabka ku adkeeyey in ay ka Xildhibaano ahaan ay ka qaadan doonaan doorkooda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe