Sunday, March 23, 2025
HomeWararFaah-Faahin:- Shaqaale Ka Tirsanaa Hormuud Oo Lagu Dilay Muqdisho

Faah-Faahin:- Shaqaale Ka Tirsanaa Hormuud Oo Lagu Dilay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Suuqa ugu weyn Somaliya ee Bakaaraha, ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay toogasho u geysteen laba Nin.

Ragga la toogtay, ayaa la sheegay iney u shaqeynayeen mid kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ugu weyn ee dalka ka jira, Waxaana qeybta sare ee jirka ka toogtay dhalinyaro Bistoolado ku hubeysan, kuwaasoo durbadiiba cagaha wax ka dayay.

Labada qof ee la toogtay, ayaa la sheegay iney xiligaasi ka soo baxeen maqaaxi ay ka cunteynayeen, Waxeyna ka shaqeynayeen xarun qeybta Khudaarta ee Suuqa Bakaaraha ku leedahay shirkad Isgaarsiineed.

Dhalinyarada duhurnimada maanta ah toogashada geystey, ayaa la sheegay iney mudo ku daba jireen labada qof ee geeriyootay, Kuwaasoo rasaasta mar kaliya ku boobay, xili ay ku sii jeedeen xafiiskooda shaqada.

Goob Joogayaal, waxey inoo sheegeen in dadka la dilay ay ahaayeen Masuuliyiinta ugu sareysay shirkada Isgaarsiinte Hormuud qeybteeda suuqa Khudaarta, waxaana haatan socda baaritaano la xiriirta soo qabashada dnabiilayaasha.

Si Kastaba, maalmaah Suuqa Bakaaraha iyo xeyndaabkiisa waxaa ku soo kordhay dilalka ay geysanayaan Raga Bistooladaha wata, Kuwaasoo aan la garaneyn waxa ku qasbay xiligan iney bartilmaameedsadaan Shaqaalaha Masuuliyiinta shirkadaha Isgaarsiinta.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe