Xafladaan oo aheyd mid ay ku qalin jabinayeen ku dhawaad 25-tan arday oo dhameystay dugsigga sare ee Iskuulka Ileys ayaa xalayto lagu qabtay Magaaladda Cadaado ee Xarunta Baarlamaanka Galmudug.
Waxaa Xafladda ka soo qeyb galay Maamulka Degmada Cadaado, Wasiiro, Xildhibaamo iyo masa��uuliyiin ka tirsan Maamulka galmudug, Waxaana Xafladda Furey Xoghayaha degmada Cadaado, C/raxmaan macalin C,llaahi Diiwaan.
Maamulaha Iskuulka Ileys Ustaad Maxamed Axmed galcaafe ayaa ka sheekeeyay Taariikhda schoolka ileys iyo muhiimadda uu uhayo Bulshada gaar ahaan kuwa ay ka daahday waxbarashada kuwaasi oo la siinayo farsado ay wax ku bartaan.
Sidoo kale Ustaan Imaan Maxmed jimcaale oo kamid ah Aas-aasayaasha iskuulka ileys ayaa xaflada ka sheegay muhiimada ay leedahay waxbarashada asagoona kula dardaarmay ardayda ka qalin-jabineysa iskuulka in aysan ka dalin wax barashada oo ay siiwataan.
Abwaan daahir Suudi oo kamid ardayda ka qalin jabisay Iskuulka ileys ayaa Xafladda ku soo bandhigay gabay ka hadlaya Muhiimadda waxbarashada iyo qalab ka sameysay iftiin ka turjumaya waxyabihii ay barteen kaasi oo ay la dheceen dadkii Xafladda ka soo qeyb galay .
Xildhibaan Cabdi xasan indhayare Oo katirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa ku bogaadiyay ardayda qalin-jabineysa muhiimada ay leedahay waxbarashada, waxuuna sheegay in Maamulka galmudug uu Muhiimad gaara siinayo waxbarashada.
Ugu danbeyntii waxaa Xafladda Soo xiray Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada galmudug Burhaan warsame Cigaal, asagoona sheegay in wasaaradda waxbarashada galmudug ay xoogga saareyso sidii loo tayeyn lahaa heerarka kala duwan ee waxbarashada, isagoona iskuulka ileys ku Amaanay fursadaha uu u hayo bulshada.
.A�