Thursday, January 16, 2025
HomeWararSawirro:-: Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo La Dhaariyay

Sawirro:-: Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo La Dhaariyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle.

kulanka waxa uu ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa, waxana goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim , qaar ka mid ah guddiyada joogtada iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ah guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa ee Golaha Shacabka ayaa Wasiirka cusub dhaariyay.

Dhaarinta kadib ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh c/raxmaan waxa uu wasiirka cusub kula dardaarmay inuu si wanaagsan shaqadiisa u guto.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa balan qaaday inuu si sax ah ugu soo bixi doono xilka loo dhaariyay, kana shaqeyn doono sidii wada shaqeyn dhaw uu ula yeelan lahaa guddiyada Golaha Shacabka ee wasaaradiisa wada shaqeynta kala dhaxeyso.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe