Tuesday, May 20, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Puntland Oo Weerarkii Caalmadow Ku Eedeysay Soomaaliland.

Dhageyso:- Puntland Oo Weerarkii Caalmadow Ku Eedeysay Soomaaliland.

Guddiga Difaaca Maamulka Puntland Oo Goor Dhaw War-baahinta Kula hadlay Magaalada garoowe Ee Xarunta Gobolka Nugaal Ahna Caasimadda Maamulka Puntland Ayaa waxa Uu ka war-bixiyey dagaal Xalay Ka Dhacay Buuraha Caalmadow Ee Gobolka Sanaag.

Axmed Cabdullaahi Yuusuf dawlad Oo Ay Dhinac Fadhiyaan Xubno Ka Tirsan Guddiga Difaaca Maamulka Puntland Ayaa Waxa Uu Sheegay In Xalay Saqdii Dhexe Buuraha Caalmadow Ay Weerar kusoo Qaadeen Xarakada Al-shabaabta Soomaaliya Iyo Saraakiil Ka Tirsan Maamulka Hargeysa Sida Uu Sheegay Wasiir Dawlad.

Wasiirka Waxa Uu Tilmaamay In Weerarkaasi Si Geesinimo Leh Iskaga Difaaceen Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland Isla-markaana Ay Jab Xoog Leh Gaarsiiyeen Kooxihii Soo Weeraray Sida Uu Xusay Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland.

Sidoo Kale Beesha Caalamka Iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ayey Ku War-geliyeen In Waxa Uu Ugu Yeeray Arga-gixisada Iyo Maamulka Soomaaliland Ay Isku Milmeyn Isla-markaana Ka Mideysan Yihiin Wax-yeeleynta Iyo Deganaansho La’aanta Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Puntland AxmedC/laahi Yuusuf Dawlad:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe