Saturday, March 15, 2025
HomeWararSAWIRRO:- Wasaaradda Waxbarashada DFS Oo lagu Wareejiyay Xarun 30 Sano La Daganaa.

SAWIRRO:- Wasaaradda Waxbarashada DFS Oo lagu Wareejiyay Xarun 30 Sano La Daganaa.

Maamulka degmada Hodon ayaa maanta waxaa uu ku guuleystay in uu ku wareejiyo  Wasaaradda Waxbrashada Hidaha iyo tacliinta sare Xaruntii ay ku laheyd xaafada taleex ee degmada Hodan ee Gobolka Banaaadir.

Xarunta Maanta lagu wareejiyay Wasaaradda ayaa waxaa degnaa dad Shacab ah oo maamulka degmada uu ka codasaday in ay ka guuraan Madaama ay tahay Xarun denguud.

Waxaa xaruntaan  deganaan jiray masuuliyiinta ugu sareysa Wasaaradda Waxbarshada, waxaana ku dhawaad 30 sano degenaa dad shacab ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in xaruntaan lagu sameyn doono dayactir, islamarkaana uu kaga mahadcelinaayo maamulka degmada Hodon dadaalka ay muujiyeenm.

Wasaaradda Waxbarashada Qaranka Soomaaliyeed ayaa dhawaanahaan waday qorshayaasha lagu tayaynayo Waxbarashada Dalka iyo dibu dhiska xarumihii ay laheyd Wasaaraddu si loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe