Wararka ka Imaanaya xaafada Kaawa godeey ee degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir, ayaa Waxaa maalntii labaad ka socda dagaal, kaas oo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo u abaabulan qaab beeleed.
Dagaalkii shalay bilaawday ayaa waxaa ku geeriyooay hal ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, waxana la sheegya in maleeshiyaadka dagaalamay ay iksuheystaan Guri halkaasi laga dhisayo oo ay lacago ka qaateen.
Dadka ku nool Xaafada Kaawa godeey qeybta degamda Dharkenley ayaa waxa ay sheegeen in markale dagaal halkaasi uu maanta markale ka dhacay, isla markaana uu wali ka socdo in ka badan laba saacadood, balse weli aysan xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta.
Xaalad kacsanaan ah ayaa weli ka jirta goobta lagu dagaalamay, waxaana dad aan la xiriirnay ay sheegeen in ay weli maqlayaan rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay isku ridayaan.
Maamulka degmada Dharkenley weli dagaalkaas kama hadlin,waxaana taasi walaac ka muujiyey waxgaradka ku nool degmadaasi.
Aaga lagu dagaalamayo ayaa waxaa uu dhowr talalabo u jiraa Warshada Nacnaca oo ah Xarun lagu tababaro Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, waxana sidoo kale ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Midawga Africa ee AMISOM.
Wixii ku soo kordha Halkaan kala Soco: