Sunday, March 23, 2025
HomeWararSawirro:- Taliyaha Cidanka Booliska Oo 300 Askari Tababar Ugu Soo Xiray Garbahaarey

Sawirro:- Taliyaha Cidanka Booliska Oo 300 Askari Tababar Ugu Soo Xiray Garbahaarey

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, General; Bashiir Maxamed Cabdi “Ameerica” ayaa tababar u soo xiray in kabadan 300 oo Askari, kuwaas oo ka howl-geli doona gudaha Magaalada Garbahaarreey.

Ciidanka ayaa Lixdii bilood ee lasoo dhaafay Tababar uga socday Magaalada Garbaaharey ee Gobolka Gado, waxanay ammaanka Magaalada kala wareegi doonaan Ciidanka Millateriga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, General; Bashiir Maxamed Cabdi , ayaa sheegay in Ciidanka la tababay uu u dhameyatiran yahay Agabkii ay ku shaqayn lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in ay heli doonaan xaquuqda ay helaan Ciidanka Booliska ee Dalka.

Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka ee ku sugan Magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ammaanka Degmada ay kala wareegaan Ciidanka Booliska ee uu tababarka usoo dhammaaday.

  

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe