Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yariisow, Wasiirro, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa Xalay 12:50am xiliga Muqdisho Ubax dhigay Taallada SYL oo lagu xasuusanaayay 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada iyo sannadguuradii 75-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii dalka.
Munaasabaddaan oo loosoo agaasimey si ka duwan hab maamuus-yadi hore, ayaa waxaaba lagu qabtay taalada u taagan halgamayaasha ee 15-kii dhalinyaro ee SYL .
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu soo gaaray goobta ay Munaasabada ka dhaceysay Salaan ka qaatay Ciidamada qalabka sida iyo kooxda Banda Miyuusikada, wuxuuna intaa ka dib Fiyoore lagu xusaayo Aabayaashi Halganka Xoriyada aan ku naalooneyno dhigay Taalada SYL.
Duqa Caasimadda oo ka hadlayay mustaqbalka dhalinyarada maanta ayaa xusay in weli ay fursaddu hortooda taal, maadaama ay dadka Soomaaliyeed ka yihiin %75 maamulkiisuna uu diyaar ula yahay wax walba oo lagu hagaajinayo mustaqlkooda dalkana lagu horumarinayo. Maamulka Gobolka ayaa hirgeliyey mashaariic shaqo abuur loogu sameeyey dhalinyarada, iyadoo maamulka loo daadejiyey degmooyinka.
Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa Dalka Soomaaliya laga xusaa Aasaaskii Xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL,waxaadna moodaa in sanadkan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaalia inay si ka duwan sanadihii hore ugu diyaar garowday.