Waxaan dhowaan ka tabaniney Muuq-baahiyaha SOMALI-CABLE Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex oo ku xanunsanaya magaaladdda Mogadisho. kadib ayaa Tv-gu xaruntiisa muqdisho uu sameeyay socdaal uu ku xaqiijinayay cabashada abwaanka iyo sidii wax loo qaban lahaa waxaan tagnay Ordigan Hospital ex Digfeer waxayna no sheegeen in uu keenay Wasiir Caysane lana daweeyey baaritaano & dawooyin wanagsan la siiyey.
Dhanka kale maamulka hotelka uu muqdisho ka daganyahay Abwaan Baarleex iyo xubna kale oo haatan gacanta ku haya xaalada caafimaad ee abwaanka, ayaa noo xaqiijiyay in daryeelka abwaan baarleex uu haatan ka wanaagsan yahay siduu ahaa markuuu Hargeysa yaalay lana geeyey tiroba dhawr jeer dakhaatiir kala duwan iyadoo aan la kulanay kalkaaliyayaal caafimad oo si gaar ah ugu adeegayey abwaanka goobta uu deganyahayna dhamaan kharashkadkas ku baxa uu ilaa hadda si shaqsiyan ah gacanta ugu hayo waziir Caysane.
Sido kale Abwaan Baarleex oo isaguna nala hadlay aya cudur-daar umuujiyay waziir ku xigeenka Ayaa Sheegay in Abwaanka La Marin Habaabiyay Maadaama Uu Yahay Qof Xanuunsanaya.
Ugu danbeyn waziir ku xigeenka wazaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukumada somaliya xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane oo aan la xiriirnay aya sheegay in ay meel gaba gaba ah umareyso qorshaha la doonayo in abwaanka dibada loogu qaado, uuna u sameeyey Basabooro isaga iyo gabar uu dhalay oo raacaysa abwaanka oo hargeysa uga soo baxay GO HOME Document wuxuuna rajo fiican ka muujiyay in dhowaan ey so gabagaboowdo qorshaha dibada loogu qaadayo abwaan baarleex laguna soo daweyn doono dalka Turkiga hadu alle idmo waxaana loo diray abwaanka waraaqihiisa caafimaad Hospitalada dalka Turkey oo hadda jawaab laga sugayo kadibna Visaha la siinayo.