Sunday, March 23, 2025
HomeWararSAWIRRO:- Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka DFS Oo Ankara kula Kulmay Dhigiisa Dalka...

SAWIRRO:- Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka DFS Oo Ankara kula Kulmay Dhigiisa Dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar), oo safar shaqo ku jooga magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Dalkaas, Dr Recep Akdag.

Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) iyo Dr Recep Akdag ayaa ka wada hadlay wanaajinta xariirka qotadda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxa aan Ankara kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Dr Recep Akdag. Waxaanu kawada hadalay xiriirka labadda dal ee dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha Ganacsiga iyo waxbarashada ee Soomaaliya iyo Turkiga”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Dawladaha Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay dawladaha xariirka dhaw la leh Dawladda Federaalka Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe