Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafti uu hogaaminayo ayaa soo gaaraay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Madaxweyne Geelle iyo waftigiisa waxaa si heer sare ah garoonka ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Mudane maxamed Cabdullaahi farmaajo, wasiiro iyo xubno ka tirsan labada gole ee dawladda.
Madaxweyne geelle ayaa markii uu ka soo dagay garoonka waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka baanbeyda, isagoo garab taagan dhiggiisa madaxweyne farmaajo ayna ka agbabanayaan calamada labada wadan ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato madaxda ugu sareysa ee dalka.
Ammaanka guud ee magaalada muqdisho, ayaa aad loo adkeeyay waxaana inta badan xiran waddooyinka muqdisho.
Madaxweyne Geelle iyo waftigiisa waxaa si heer sare ah garoonka ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Mudane maxamed Cabdullaahi farmaajo, wasiiro iyo xubno ka tirsan labada gole ee dawladda. pic.twitter.com/NxpkwqmzFT
— The Sudani Post (@TheSudaniPost) March 16, 2019