Saturday, March 22, 2025
HomeWararMaxaad kala socotaa Booqashada Madaxweynaha Jabuuti ee Muqdisho?

Maxaad kala socotaa Booqashada Madaxweynaha Jabuuti ee Muqdisho?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafti uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay saacadaha soocda soo gaaraan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaban qaabada Soo dhaweynta waftiga madaxweyne geelle, ayaa ka socota garoonka diyaaradaha Aadan cadde International Airport ee magaalada Muqdisho, waxaana ku suga garoonka mas’uuliyiin ka tirsan dawladda soomaaliya oo sugaya waftiga madaxweynaha.

Ammaan magaalada muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran isgooysyada iyo waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, waxaana ku suga ciidanka dawladda oo u diidaya shacabka iyo gaadiidka dadweynaha inay isticmaalaan.

Ujeedka Socdaalka madaxweyne geelle lagama bixin wax faahfaahin, balse warar hoose ayaa sheegaya inuu ka qeyb gali doono kafadhigga shanaad ee Baarlamaanka oo maanta furmaya, sidoo kalana uu kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka.

Sidoo kale warar ay heshay Codka Gobolada Dhexe, ayaa timaamaya in madaxweyne geelle, uu booqon doono saldhigga ciidamadda jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Safarka madaxweyne geelle ee muqdisho, ayaa la filayaa inay qaadan doono muddo labo cisho ah, asagoo sidoo kale xarriga ka jari doona safaaradda Cusub ee Jabuut ee magaalada Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe