Friday, April 25, 2025
HomeWararSAWIRRO:- Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS oo xarun cusub ka dhagax dhigtay...

SAWIRRO:- Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS oo xarun cusub ka dhagax dhigtay Ceelbarde.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta la wareegtay dhul ay ku wareejiyeen maamulka Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, kaasi oo loogu talagalay in laga dhiso xarunta Hey’addu ku yeelaneyso Ceelbarde.

Ku xigeenka Agaasimaha guud HSJ Cabdfitax Ibrahim Cumar Shaaweye ayaa ka gudoomay maamulka degmada Ceelbarde dhulka ay ku wareejiyeen Hey’adda isla markaana waxa uu agaasiamha isla maanta dhagax dhigay dhulka lagu wareejiyay si loo bilaabo dhismaha Xarunta Hey’adda ee Ceelbarde.

Safarka uu agaasime ku xigeynka ku gaaray Ceelbarde ayaa waxaa kuwehliyay agaasimaha Laanta Hey’addu ku leedahay Koofur Galbeed Cali dhuux, Agaasimaha Howlaha Xasan iyo taliyaha Hey’adda.

Hey’adda Socdaalka ayaa dhawaan ka furatay Xafiisyo kan la mid ah Magaalooyinka Qardho iyo Galdogob oo ka kala tirsan Gobolada Bari iyo Mudug, kuwaasi oo laga boxin doono howlaha adeega ee Hey;addasi, iyadoo kuwa kalena hore looga furay Gobolada Dalka, si Muwaadidiinta Soomaaliyeed loogu fududeeyo helidda Baasaboorka iyo kaararka Aqoonsiga.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe