Friday, April 25, 2025
HomeWararDan-jire Keating Oo Shacabka Soomaaliyeed U Diray Salaan ku Aadan bisha Ramadan

Dan-jire Keating Oo Shacabka Soomaaliyeed U Diray Salaan ku Aadan bisha Ramadan

Iyadoo Ay caawa Ku began Tahay 1-da Bisha Barakeysan Ee Ramadaan ayaa Salaan Iyo Bogaadin Ku aadan Bilashada bisha ramadaan waxaa Shacabka Soomaaliyeed U Diray Ergeyga Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobay U Qaabilsan soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Ayaa Waxaa Bogaadibn Loogu Diray shacabka Soomaaliyeed.

Ergeyga QM oo Soomaalida u rajeeyay Ramadaan nabad ah oo farxad leh

Ergeyga Qaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa salaan diiran u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed iyadoo ay bilanayso bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo adduuka dacalladiisa u rajeynayaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo nabad ah,” ayuu yiri Md. Keating. “Kani waa waqti muhim ah ee sannadka markaasoo ay qoysaska iyo bulshadu ay isu yimaadaan, ka fikiraan waxa dhab ahaantii macna u leh nolosha, u duceeyaan taageerana siiyaan kuwa danyarta ah. Sidoo kale waa waqti la heshiiyo la isna cafiyo.

“Soomaaliya ha hesho farxad, nicmo iyo raynrayn bishan barakeysan ee Ramadaan – Ramadaan kareen, Ramadaan wanaagsan.”

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe