Sunday, February 9, 2025
HomeWararSawirro:- Hay'adda GIZ Oo Gawaari Ku Wareejisay Maamulka Jubbaland

Sawirro:- Hay’adda GIZ Oo Gawaari Ku Wareejisay Maamulka Jubbaland

Hay’ada GIZ ayaa manta waxa ay gudoonsiisay dawlad gobolleedka jubbaland ilaa lix baabuur oo ah nooca loo yaqaano toyoto langaruzar.

Munaasabadii xilwareejinta waxaa goob joog ahaa madaxweyne kuxigeenka 1aad ee jubbaland,wasiirka wasarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee gudoomiyaha degmada kismaayo,iyo qaarka mida masuuliyiinta hey’aadda Giz,waxaana xarunta madaxtooyada kismaayo.

Brijiti Rayshelt oo ah madaxa xafiiska hey’adda Giz ee Kismaayo ayaa hadalo goobta xilwareejinta kajeedisay ayaa sheegtay in Jubbaland horumar dhan walba leh ay gaartay.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne kuxigeenka koobaad ayaa waxa munasabada lagu wareejinay baaburtan uga mahadceliyay dawlada iyo dadka jarmalka garab istaga ay u muujiyeen shacabka iyo dowlad goboleedka Juubaland.

wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jubbaland ayaa sidoo kale u mahadceliyay dadka iyo dawlada jarmalka waxa uuna xusay in hey’ada Giz iyo dowladda Jarmalka ay mar walba shacabka iyo dowlad goboleedka Jubbaland ka caawiyaan Baraamijyada horumarineed iyo arrimaha gar gaarka

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe