En. Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ucid EeSoomaaliland Ayaa Oo War-Baahinta Kula Hadlay Gudaha Magaalada hargeysa Ee Soomaaliland Ayaa Ka hadlay Arrimo Dhawr Ah Oo La Xariira Safarka Hoggaamiyaha Soomaaliland Ku Marayo Qaar Ka Mid Ah Gobollada Soomaaliland.
Ugu Horreyn Guddoomiye Feysal Waxa Uu Bogaadiyey Safarka Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland Ku Tgaya Gobollada Saaxil Iyo Togdheer Oo Uu Sheegay In Shacabka Gobolladaas Ku Dhaqan Ay Si Fican Usoo Dhaweeyeen.
Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Soomaaliland Eng. Feysal Cali Waraabe Waxa Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Hadalkii Madaxweyne Biixi Ka Sheegay Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer Oo Ahaa In Aysan Soomaaliland Wada-hadal La Galeyn Dawladda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya.
Waxa Uu Xusay In Go’aanka Wada-Hadallada Soomaaliya Iyo Soomaaliland Uu Ahaa Mid Qaran Isla-Markaana Uusan Go’aan Ka Gaari Karin Muuse Biixi Oo Kaliya Balse Taladu Ka Dhaxeyso Xisbiga Talada Haya Iyo Kuwa Mucaaradka Ah Intaba.
Hadalkaan Eng. Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ucid Ee SoomaalilandAyaa Waxa Uu Imaanayaa Iyadoo Shalay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi Burco ka Sheegay In Aysan Wada-Hadal La Galeyn Dawladda Soomaaliya Ee Fadhigeedu Yahay Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Feysal cali Waraabe Oo Dhameystiran:-

