Saturday, April 19, 2025
HomeWararSawirro:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Mas'uuliyiin Ka Socotay Talyaaniga

Sawirro:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiin Ka Socotay Talyaaniga

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Talyaaniga u qaabilsan Geeska Africa Luciano Pezzotti, Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaliya Carlo Campanile iyo madax kale.

Guddoomiyaha ayaa masuuliyiintii uu la kulmay kala hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay sidii loo hormarin lahaa xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya baarlamaanada Soomaaliya iyoTalyaaniga iyo isdhaafsiga shaqo iyo hormar ee labada baarlamaan.

Guddoomiye Mursal ayaa warbixin ka dhageystay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Talyaniga u qaabilsan Geeska Africa Luciano Pezzotti.

Mr, Luciano Pezzotti ayaa cadeeyay in dowladda Talyaaniga ay garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed, kana shaqeyn doono sidii loo sii laba jibaari lahaa taageerada Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in saraakiishii uu la kulmay wax badan ay ka wada hadleyn lana dhaqan gelinayo qodobadii uu kala hadlay.

“Masuuliyiinta aan xafiiskeyga ku qaabilay wax badan ayaa kala hadlay oo ku saabsan hormarinta golaha shacabka iyo sidii loo dardar gelin lahaa sameynta xiriir saaxiibtinimo oo labada baarlamaan ah, dowladda Talyaaniga xiriir wanaagsan ayaa naga dhaxeeya”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee golaha shacabka Mudane Xildhibaan C/qaadir Cali Cosoble.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe