War saxaafadeed ay soo saareyn taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayey kaga hadleyn dhacdadii qaar kamid ah ciidamadooda ay ku laayeen dad shacab ah oo ku sugnaa Isgoyska Ex-Kontrool Balcad, waxa ayna sheegeyn in ay aad kaga xunyihiin falkaasi.
hadaba halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.
“Howlgalka nabad ilaalinta ee Ciidamada Midowga Afrkia ee AMISOM waxa uu il gaar ah ku haayaa falkii ciidamadada AMISOM ay ka geysteen Ex-Kontrool Balcad, falkaasi oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ahaa.
AMISOM oo si dhaw ula shaqeyneysa hay’adda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay quseyso arrintaani waxa ay sameyn doonaan baaritaan mug leh oo ku saabsan sababta uu falkaasi dadka ku geeriyoodeen u dhacay waxaana natiijada baaritaankaasi lala wadaagi doonaa warbaahinta.
Howlgalka nabad ilaalinta ee Ciidamada Midowga Afrkia ee AMISOM waxa uu tacsi u diraayaa ehelda dadka geeriyooday.
AMISOM waxay rajeyneysaa oo ay ku hanweyntyahay in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in Ciidamada AMISOM loo soo tababaro sidii ay u dhowri lahaayeen sharciga caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha, iyo ka qeyb qaadashada falalka dagaalka iyadoo loo turaayo dadka rayidka ah ee aan qeybta ka aheyn dagaalka markaas lagu jiro.
AMISOM kama hari doonto dhacdadaan ilaamaa ay soo shaac baxdo xaqiiqda falkaani sida uu u dhacay sidaas si lamid ahna cadaaladda la hor keenin dambiilayaasha”.
Hoos Ka Akhriso Warqadda:-