Thursday, April 18, 2024
HomeWararSAWIRRO:- Duqa Muqdisho oo Xariga ka jaray Waddada Isku xirta Madaxtooyada iyo Dekedda...

SAWIRRO:- Duqa Muqdisho oo Xariga ka jaray Waddada Isku xirta Madaxtooyada iyo Dekedda oo dib loo dhisay.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisow) ayaa xariga ka jaray Waddada isku-xirta Madaxtooyada Qaranka iyo Dekedda Muqdisho taas oo dhawaan dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhismaha waddooyinku ay kaalin mug leh ka qaateen dib-u-soo celinta bilicda,hormarinta amaanka,abuurista shaqooyinka iyo sidii Caasimaddu ay u heli lahayd dariiqa saxda ah ee dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska. Isagoo tilmaamay in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Maamulka, bixiyaan canshuuraha, qeyb muhiim ahna ka qaataan dib-u-dhiskiisa dalkoodana.

“Waxaan shacabka Muqdisho kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan dib-usoo-celinta billicda Caasimadda iyo dib-u-dhiska waddooyinka burbursan, Waxaan rabnaa in aan dib u soo celinno quruxdii Caasimadda aana si dhammeystiran uga saarno dhaawacyada ay geysteen dagaallada sokeeye, dhismaha waddooyinkuna waxay soo celinayaan ganacsiga , horumarka, bilicda iyo amniga, runtiina tani waxay ku timid iskutashiga Dawladda Hoose iyo dadka Caasimadda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Sidoo kale, waxaa Munaasabadda furitaanka Waddadan hadallo ka jeediyey Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud iyo Maamulka degmada Xamar-Jajab.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe