Saturday, March 22, 2025
HomeWararSawirro:-Dowladda Qatar Oo Gaadiidka Gaashaaman Ugu Deeqday Dowladda Soomaaliya

Sawirro:-Dowladda Qatar Oo Gaadiidka Gaashaaman Ugu Deeqday Dowladda Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday 68 gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, kadib munaasabad ka dhacday dekada magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya, taliyaha ciidamada xooga dalka iyo saraakiil amaan oo dowladda Qatar ka socotay, kuwaasi oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Munaasad kooban oo ka dhacday dekada magaalada Muqdisho ayaa masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar ay ku kala wareegeen gaadiidka gaashaaman.

Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya oo gaadiidkaan ka gudoomay dowladda Qatar ayaa sheegay inay kaga mahadcelinayaan dowladda Qatar  taageerada iyo garab istaaga ciidamada dowlada.

Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in gadiidkaan la gaarsiin doono ciidamada xooga dalka meel kasta oo ay joogaan, isaga oo sheegay inay ka mahadcelinayaan taageerada dowladda Qatar.

Saraakiil ka socotay dowladda Qatar ayaa dhankooda sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada dowlada Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe