Thursday, January 16, 2025
HomeWararSAWIRRO:- Dawladda Talyaaniga Oo Qalab Casri ah ku Wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir.

SAWIRRO:- Dawladda Talyaaniga Oo Qalab Casri ah ku Wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir.

GuddoomiyahaGobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil sare oo ka socotay qeybta Mashaariicda Rayidka ah ee Dowladda Talyaaniga, waxaana uu uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.

Guddoomiyaha  ayaa sheegay in agabka ay kala wareegeen Talyaaniga uu yahay mid casri ah oo gacan ka geysanaya Dabdamiska Caasimadda, isagoo xusay in maamulkiisu uu mudnaan dhow siinayo sidii adeegyada dab damisku u noqon lahaayeen kuwa dhameystiran oo dabooli kara baahida shacabka.

“Waxaan uga mahadceliyaa Saraakiisha ka socota Qeybta Mashaariicda Rayidka ah ee Dowladda Talyaaniga oo maanta noogu yimid xarunta Dawladda Hoose, si ay noogu wareejiyaan agabkan casriga ah ee lagu horumarinayo Dabdamiska Caasimadda, tani waa bilow waxaana rajeynayaa in waqtiyada dhow ay sii socon doonto kaalmadaay siinayaan shacabka Soomaaliyeed ee Caasimadda”ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Dhinaca kale, Sarkaalka ugu sareeya qeybta mashaariicda rayidka ee Talyaaniga ayaa xusay ujeedka qalabkan ay u keeneen inuu yahay sidii shacabka Caasimaddu ay uga caawin lahaayeen baahidooda dhinaca Dabdamiska ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe