Tuesday, September 26, 2023
HomeWararCiidamada Kenya Oo Hakad Galiyay Xadka u dhaxeeya Soomaaliya Iyo Kenya.

Ciidamada Kenya Oo Hakad Galiyay Xadka u dhaxeeya Soomaaliya Iyo Kenya.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa maanta howlgallo ballaaran ka wada nawaaxiga deegaanka Liboi gobolka waqooyi Bari ee dalkaasi.

Ciidamada oo wata gawaarida dagaalka ayaa la sheegay in ay isku geedaameen qeybo ka mida ah deegaankaasi, iyagoona hakad galiyay isku socodkii dadweynaha iyo gaadiidka ee isaga kala gooshayay deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaana la gu soo warramayaa in Ciidamadu baaritaano xoogan ay ka wadaan deegaanadaasi.

Shalay ayey aheyd markii kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya qarax khasaaro geystay lagula eegtay agagaarka deegaanka Libio ee dalkaasi.

Maalmihii dambe dagaalyahannada Al Shabaab ayaa sare u qaaday weerarada ay ku fuliyaan gudaha dalkaasi Kenya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe